Waa maxay telehealth?
Telehealth waa sida ballan fool-ka-fool ah oo kale. Waxaad ku arki kartaa xirfadlahaaga caafimaadka qaab fiidiyoow shaashadda ah adigoona maqli doona ayaga adoo isticmaalaya sameecado iyo makarafoon. Ayaguna sidoo kale way ku arki doonaan kuna maqli doonaan.
Weydii xirfadlahaaga caafimaadka (dhakhtarkaaga) in telehealth uu yahay nidaam aad kuwada xiriiri kartaan.
Sida aan u isticmaalno telehealth
Waxaan u isticmaalnaa telehealth:
- ballamaha bukaan-socodka
- ballamaha bukaanka guriga jooga
- wareegyada qaybta bukaan-jiifka
- caawimaada iyo talooyinka degdega ah
- bukaannada loo wareejinayo isbitaallada kale.
Haddii laguu gudbiyo cisbitaal, weydii inay isticmaalaan telehealth.
Waa maxay sababta ay tahay inaan telehealth u doorto?
Markaad telehealth isticmaalayso waxaad awoodaa:
- inaad si fudud daryeel u hesho
- inaad shaqada iyo wixii kale oo howlo ah ee aad leedahay ka maqnaato saacado yar
- in waqtiga aad usii safrayso ballamaha ay yaraadaan
- inaadan ballanta aad leedahay baajin hadii aad xanuunsan tahay ama loo baahan yahay inaad is go’doomiso
- inaad weydiisato qof ka mid ah qoyskaaga, daryeele ama saaxiib inay kugu wehliyaan ballantaada.
Ballamaha telehealth (fiidiyoowga) waa ammaan, macluumaadkaagana waa laguu xafidayaa.
Sida loo isticmaalo telehealth
Daawo fiidiyoowgeena si aad u ogaatid waxa aad u baahan tahay inaad heysato si aad u sameysato ballan (telehealth) fiidiyoow ah.
Guriga adoo jooga
Haddii aad ballantaada (telehealth) fiidiyoowga kasoo galeyso guriga, waxaad u baahan doontaa:
- kombuyuutar, tablet ama telefoon casri ah oo kamarad leh
- internet ama Wi-Fi
- makaroofanka madaxa la saarto ama sameecad.
Waxaad ka hubin kartaa in telehealth uu ku shaqeeyo qalabka aad isticmaashid adiga oo sameeynaya tijaabo wicitaan ah.
Waa inaad fiidiyoow iska arki kartaa aadna codkaaga maqli kartaa marka aad hadashid.
Rugta caafimaadka ama xafiiska GP-gaaga
Haddii aadan ballantaada kasoo geli karin guriga, waxaad tagi kartaa rugta caafimaadka deegaankaaga ama xafiiska GP-ga. Shaqaaluha ayaa kaa caawin doona sidii aad fiidiyoow uga soo geli laheed ayagoona qalabka kuu diyaarin doona.
Kalkaaliso ayaa laga yaabaa inay qolka kula fadhiisato oo ay ku caawiso inta ay socoto ballantaada fiidyaha.
Balantaada intaysan bilaaban kahor, kalkaalisada ayaa kuu sheegi doonta waxa aad filan karto inta lagu guda jiro wicitaanka fiidyaha. Waxa kale oo laga yaabaa inay eegaan cadaadiska dhiiggaaga, heerkulkaaga iyo inay sameeyaan baadhitaano kale.
Xirfadlahaaga caafimaadka ayaa cusbooneysiin doona diiwaannadaada caafimaad ballankaada ka dib.
Sida loogu diyaar garoobo ballanta caafimaadka (telehealth) ee fiidiyoowga ah
Ballantaada intaan la gaarin kahor:
- hubi inaad ku sugan tahay meel aan buuq lahayn oo ammaan ah
- qalabka aad isticmaalayso hakuu lahaado batari fiican
- soo dhaweyso daawooyinkaaga ama diyaarso liisto qoraal ah
- wixii natiijooyinka baaritaano aad samaysay ah waa inaad heysataa
- qor su'aalaha aad rabto inaad waydiiso.
Sida aad usoo geli karto (telehealth) ballanta fiidiyoowga ah
Raac tillaabooyinkan si aad u gasho ballanta (telehealth) fiidiyoowga.
- Marka aad helayso ballanta: Waxaad iimayl ama SMS ka heli doontaa rugta caafimaadka taas oo ay weheliso xidhiidhiye (link) aad ka gali karto ballantaada.
- Marka aad tijaabinayso qalabkaaga: Ku tijaabi qalabkaaga inuu ku shaqeynayo telehealth adiga oo samaynaya tijaabo wicitaan. Waa inaad adigu is arki kartaa aadna maqli kartaa codkaaga.
- Marka ay ballantaada bilaabanayso: Fur linkiga laguugu soo diray SMS-kaaga ama iimaylka si aad ballantaada u bilowdo.
- Inaad qalabka aad isticmaalayso u oggolaato waxyaabaha loo baahan yahay in loo oggolaado: Marka lagu weydiiyo, u oggolow (allow) qalabkaaga inuu isticmaalo makarafoonka iyo kamarada.
- Ku biirista ballanta: Xirfadlahaaga caafimaadka ayaa ka soo muuqan doona shaashadda marka ay diyaar u yihiin inay ku arkaan.
Sida aan kaaga caawin karno inaad gasho telehealth
Haddii aad u baahan tahay caawimaad si aad u isticmaasho telehealth, waan ku taageeri karnaa.
Taageerada Adeegyada Turjubaanka
Waxaan kuu heli karnaa turjubaano lacag la’aan ah haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo ku hadalka iyo fahamka Ingiriisiga. Waxaan heysanaa turjubaano luqadaha lagu hadlo ah iyo luqadda dhegoolaha ee Auslan. Noo soo sheeg haddii aad jeclaan lahayd inuu turjubaan kula joogo inta lagu guda jiro ballantaada. Waxay kusoo geli karaan qaab fiidiyoow ah ama waxay kugula sugnaan karaan rugta caafimaadka.
Taageerada ay heli karaan dadka Aborijiniska iyo Torres Strait Islander ka ah
Waxaan heysanaa Howlwadeenka Xiriirinta Bulshada Aboriginal iyo Torres Strait Island kaasoo ku taageeri kara inta lagu guda jiro ballantaada. Way kula fadhiisan karaan ama waxay kaga soo biiri karaan ballanta iyagoo isticmaalaya linkiga.
Taageerada farsamada
Ka wac Telehealth Helpdesk 1800 066 888, haddii aad u baahan tahay taageero farsamo.
Ciladaha farsamo ee badanaa la arko
Inaad heli wayso linkigii aad kaga soo geli lahayd ballanta (telehealth) fiidiyoowga.
- Waxaad heli doontaa linkiga aad kaga soo geli karto ballanta wakhtiga ballanta kahor.
- Wac rugtaada caafimaadka haddii aadan weli helin linkiga 15 daqiiqo ka hor inta aysan ballantaada bilaaban.
Marka qalabka aad isticmaalayso uu kuu sheego in makarafoonka ama kamarada aan la ogolayn.
- Dooro allow kamaradaada iyo makarafoonkaaga marka lagu weydiiyo.
- Tag meesha setting ka qalabkaaga oo dooro inaad u ogolaato (allow) kamaradaada iyo makarafoonkaaga.
Haddii aadan arki karin ama maqli karin dadka kale, ama aysan adiga ku arki karin ama ku maqli karin.
- Dheeree codkaaga oo fiilada sameecadahaaga ama makaroofankaaga geli duleelka loogu talagalay.
- Daar kamaradaada iyo makarafoonkaaga.