Sida loo isticmaalo telehealth

Daawo fiidiyoowgeena si aad u ogaatid waxa aad u baahan tahay inaad heysato si aad u sameysato ballan (telehealth) fiidiyoow ah.

Diyaar ma u tahay ballan fiidiyoow oo telehealth ah?
Duration: 2:46

Diyaar ma u tahay inaad daryeel caafimaad oo qaab fiidiyoow ah (telehealth)  yeelato ballantaada caafimaadka?

Waxaa laguu soo bandhigay inaad ballantaada  xigta ee caafimaadka   laguugu sameeyo qaab (telehealth) fiidiyoow ah.

Laakiin maxay taasi ka dhigan tahay?

Telehealth waa ballan fiidiyoow ah oo aad la yeelanayso adeeg-bixiyahaaga daryeelka caafimaadka adoo isticmaalaya kombiyuutarkaaga, tablet-kaaga, ama taleefankaaga casriga ah.

Maadaamana ay tahay ballan fiidiyoow ah waxaad awoodi doontaa inaad is aragtaan qofka kula hadlaya.

Waxaa wax aan la heli karin ah inaad kasoo geli  karto gurigaaga intii aad safri lahayd si aad ayaad ayaga fool-ka-fool u aragto.

Waxa kale oo ku wehlin kara qof si ay kaaga caawiyaan inaad u diyaargaroowdo, qofkaasna wuxuu noqon karaa xubin ka tirsan qoyskaaga, daryeelayaasha, ama shaqaale daryeel caafimaad.

Haddii aad u baahan tahay turjubaan, nala soo socodsii. Waxaan kuu diyaarin karnaa turjubaan kaagala soo qeybgala qaab fiidiyoow ah marka aad leedahahay ballanta fiidyowga, kaas oona lacag la'aan kuu ah adiga.

Si aad u gasho ballantaada (telehealth) fiidyaha ee aad la leedahahay Metro South, uma baahnid inaad soo dejisato wax barnaamijyo software ama app-yaal kale ah.

Taa baddalkeeda, rugtaada caafimaadka ayaa xiriiriye (link) kuugu soo diri doonta SMS ama iimayl.

Waxa kaliya oo ay tahay inaad sameyso waa inaad gujiso linkigaas marka la gaaro xilliga ballanta.

Hadda maadaama aad ogtahay ballanta (telehealth) fiidiyoowga ah waxa ay tahay,

waa kuwan dhowr su'aalood oo lagu eegayo inaad u diyaarsan tahay ballantaada (telehealth) ee fiidiyoowga ah.

Ma ogoshahay in laguu sameeyo ballan (telehealth) fiidiyow ah?

Haa, ama maya?

Ma haysataa taleefan casri ah, tablet, ama kumbuyuutar?

Haa, ama maya?

Qalabkaasi ma leeyahay kamarad, makarafoon, iyo sameecado?

Haa, ama maya?

Sidoo kalena qalabkaas makuu leeyahay internet wanaagsan?

Haa, ama maya?

Haddii aad kaga jawaabtay haa, dhammaan su'aalahan.

Markaa waxaad diyaar u tahay telehealth.

Fadlan raac tilmaamaha ay rugtaada caafimaadka kuusoo direen si aad u xaqiijiso ballantaada.

Haddii aad kaga jawaabtay maya, mid ka mid ah su’aalahaas, ama aadan weli hubin.

Fadlan la xidhiidh rugtaada caafimaadka si aad u hesho caawimo dheeraad ah ama ballanta laguugu badelo.

Haddii aad jeclaan lahayd in laguu sameeyo ballan (telehealth) fiidiyoow ah laakiin aadan haysan qalabkii aad isticmaali lahayd.

La socodsii rugtaada caafimaadka marka aad soo wacdo, maadaama laga yaabo inay GP-gaaga kaaga diyaariyaan telehealth,

Xarunta caafimaadka Aborijiniska iyo Torres Strait Islander,

guri lagu daryeelo waayeelka,

ama xarunta caafimaadka Queensland ee kuugu dhow.

Haddii aad ogolaato ballan (telehealth) fiidyow ah, macluumaad dheeraad ah, oo ay ku jiraan xiriiriyaha (linkiga) aad u baahan doonto, ayaa laguu soo diri doonaa marka loo dhowyahay taariikhda ballantaada.

Marka aad tijaabinayso qalabkaaga

Waxaad ka hubin kartaa in telehealth uu ku shaqeeyo qalabka aad isticmaashid adiga oo sameeynaya tijaabo wicitaan ah.

Waa inaad fiidiyoow iska arki kartaa aadna codkaaga maqli kartaa marka aad hadashid.

Sida loogu diyaar garoobo ballanta caafimaadka (telehealth) ee fiidiyoowga ah

Ballantaada intaan la gaarin kahor:

  • hubi inaad ku sugan tahay meel aan buuq lahayn oo ammaan ah
  • qalabka aad isticmaalayso hakuu lahaado batari fiican
  • soo dhaweyso daawooyinkaaga ama diyaarso liisto qoraal ah
  • wixii natiijooyinka baaritaano aad samaysay ah waa inaad heysataa
  • qor su'aalaha aad rabto inaad waydiiso.

Rugta caafimaadka ama xafiiska GP-gaaga

Haddii aadan ballantaada kasoo geli karin guriga, waxaad tagi kartaa rugta caafimaadka deegaankaaga ama xafiiska GP-ga. Shaqaaluha ayaa kaa caawin doona sidii aad fiidiyoow uga soo geli laheed ayagoona qalabka kuu diyaarin doona.

Kalkaaliso ayaa laga yaabaa inay qolka kula fadhiisato oo ay ku caawiso inta ay socoto ballantaada fiidyaha.

Balantaada intaysan bilaaban kahor, kalkaalisada ayaa kuu sheegi doonta waxa aad filan karto inta lagu guda jiro wicitaanka fiidyaha. Waxa kale oo laga yaabaa inay eegaan cadaadiska dhiiggaaga, heerkulkaaga iyo inay sameeyaan baadhitaano kale.

Xirfadlahaaga caafimaadka ayaa cusbooneysiin doona diiwaannadaada caafimaad ballankaada ka dib.

Sida aan kaaga caawin karno inaad gasho telehealth

Haddii aad u baahan tahay caawimaad si aad u isticmaasho telehealth, waan ku taageeri karnaa.

Taageerada Adeegyada Turjubaanka

Waxaan kuu heli karnaa turjubaano lacag la’aan ah haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo ku hadalka iyo fahamka Ingiriisiga.  Waxaan heysanaa turjubaano luqadaha lagu hadlo ah iyo luqadda dhegoolaha ee Auslan. Noo soo sheeg haddii aad jeclaan lahayd inuu turjubaan kula joogo inta lagu guda jiro ballantaada. Waxay kusoo geli karaan qaab fiidiyoow ah ama waxay kugula sugnaan karaan rugta caafimaadka.

Taageerada ay heli karaan dadka Aborijiniska iyo Torres Strait Islander ka ah

Waxaan heysanaa Howlwadeenka Xiriirinta Bulshada Aboriginal iyo Torres Strait Island kaasoo ku taageeri kara inta lagu guda jiro ballantaada. Way kula fadhiisan karaan ama waxay kaga soo biiri karaan ballanta iyagoo isticmaalaya linkiga.

Taageerada farsamada

Ka wac Telehealth Helpdesk 1800 066 888, haddii aad u baahan tahay taageero farsamo.

Wixii ku saabsan caawimaad kale ama su’aalo ku saabsan ballantaada, fadlan wac taleefan lambarka rugta caafimaadka ee SMS ama iimaylka ballantaada laguugu soo diray.